Home Warar Jubba-land iyo AMISOM oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-Shabaab+Sawirro

Jubba-land iyo AMISOM oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-Shabaab+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaalada Kismaayo, waxaa gaaray Saraakiil sar sare oo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda dalkan, Iyagoo kulamo la qaatay Madaxda Jubaland.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Koobaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Guriga Martida ku qaabiley Madaxa Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayay.

Kulankan dhex marey Saraakiisha Amisom iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka 1 aad ee Jubbaland ayaa diiradda lagu saarayay Horumarinta Qorshayaasha Arimaha Ammaanka ee dowlad-goboleedka Jubbaland iyo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah AL-Shabaab.

Seyd Aadan, ayaa ku amaanay AMisom dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka wadaan qeybo kamid ah Deegaanada Jubaland, isagoo baaq udiray in gacan laga siiyo dadaalada ay ugu jiraan iney furaan wadooyinka Shabaab uxiran.

Madaxa Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya, ayaa isna dhankiisa sheegay in guulo Jubaland ka sameysay dagaalka ku foorara Shabaab, Wuxuuna Ciidamada Amisom faray iney isu diyaariyaan weeraro saf balaaran ah oo Shabaab ka dhan ah.