Muqdisho(Gundhig)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in la fashiliyey weerar Al-shabaab ay saaka waabarigii ku soo qaadeen deegaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.
Taliyaha oo u waramayey Warbaahinta Dowladda ayaa Al-shabaab la gaarsiiyay jab,isla markaana ay halkaasi kaga carareen meydad iyo qalab kale.
Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in ay degan tahay xaaladda Bariire iyo Awdheegle,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay dabagal ku hayaan kooxahaasi iyo goobaha kale ee ay sida dhuumaaleysiga ah uga soo weerar tagaan