Home Warar Jeneraal Caanood:-Waxaan Burburinayay Gawaari Qaraxyo Ku Raran Yihiin”,

Jeneraal Caanood:-Waxaan Burburinayay Gawaari Qaraxyo Ku Raran Yihiin”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Shabeelaha hoose.

Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalkii shalay laga fuliyay deegaano ka Tirsan  Gobolka Shabeelaha hoose lagu burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Caanood ayaa tilmaamay in Ciidamadda ay la wareegeen deeganadda Mubaarak, Sabiid, Mareeray iyo weliba Awdheegle, islamarkaan ay halkaas ugu tageen gawaari qaraxyo lagu diyaarinayay oo suurta gal ay tahay in ay kusoo jeedeen  Muqdisho.

Abaandulaha ayaa sheegay in ay burburiyeen Idaacad Al-Shabaab ay leeyihiin oo lagu magacaabo Anduluus taasoo ku taalla degaanka Mubaarak.

Dhanka kale Ciidamadda Al-shabab ayaa dib ula wareegay deeganadii shalay lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeelaha Hoose.