Home Warar Jen. Zakiya:-“Annaga Muqdisho Waddo Weyn Ma Aanan Ka Xirin”,!

Jen. Zakiya:-“Annaga Muqdisho Waddo Weyn Ma Aanan Ka Xirin”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliye Ku-xigeenka Booliska Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed oo ka hadashay amniga Magaalada muqdisho iyo dhaliilaha amniga la xiriira ee Dowladda loo jeedinaayo.

Iyadoo la hadlaysay Laanta afka Soomaalida ee VOA-da ayay kaga hadashay wadooyinka xiran,dilalka ay geystaan ciidamadda Dowladda iyo qaraxyada magaaladda ka dhaca ay Shabaab fuliyaan.

Waxa ay sheegtay ay ciidamadda amaanka ay xireen oo kaliyah Jid caddayaasha dhexmara xaafadaha, taasina ay tahay iyagoo aan heysan Ciidamo fara badan oo ay geeyaan wado kasta oo magaalada ah.

“Annaga jid weynayaasha oo caadiga ah meynaan xirin waxaa xirnay waxa weeyaan waa jid cadayaasha, sababta aan u xirnayna waxaa waaye markaan fiirinay meelaha ay ka baxaan Kooxaha amni darada geysta waxa ay isticmaalaan Jid caddayaasha, xamarna boqolaal jid cadde ayaa ku yaalla, hada markaa xirnay waxaa fududaatay in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha, taasna in la fahmo waaye”,ayey tiri Taliye Zakiya.

Dhanka kale waxa ay sheegtay in ay yaraadeen qaraxyadii Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka geysan jireen Magaaladda Muqdisho.

Ugu dambeyntii Taliye Ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed waxa ay sheegtay in Ciidamadda Booliska ay xabsiga dhigeen dhowr askari oo dilal ka geystay Magaaladda Mudqisho.