Home Warar Jeesow:-“Madoobe Wuxuu Kismaayo Ka Bixi Doonaa Isagoo Meydad Wata”

Jeesow:-“Madoobe Wuxuu Kismaayo Ka Bixi Doonaa Isagoo Meydad Wata”

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay hadaladii kasoo yeeray madaxweynaha Dib loo Doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Jeesow oo si weyn u mucaaradsan Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadalkii shalay kasoo yeeray uu ahaa mid aan la qaadan karin oo caddeyn u ah sida Axmed Madoobe xoog ugu heyso Kismaayo oo mar kaliya maahee dhowr jeer uu dagaallo ku galay, ugu dambeyntiina uu ciidamada Kenya la socday.

“Axmed Madoobe wuxuu Kismaayo ka bixi doonaa isagoo meyd iyo dhaawac wata, Axmed Madoobe waxa uu geystay falal ka baxsan Bani Aadanimada, 7 kiis oo dacwad ah ayaa ka yaala Maxkamadda Sare ee Dalka”, ayuu Yiri Xildhibaan Jeesow.

Axmed Madoobe ayaa shalay ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo Afduubka loo haysto wasiirka Amniga Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha ree Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hada la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan.