Home Warar Jeesow;-“Kheyre Waxa uu Booqday Dad uu Haysto Hogaamiye Shabaab ahaa”,

Jeesow;-“Kheyre Waxa uu Booqday Dad uu Haysto Hogaamiye Shabaab ahaa”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay safarka Raisulwasaare Xasan Cali kheyre uu shalay ku tagay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda taageersan Dowladda haatan jirta oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Kheyre uu booqday dad la haysto oo aan soo bandhigi karin fikirkooda,islamarkaana uu u taliyo hal shaqsi oo ah Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed madoobe, Madaxweynaha Jubbaland uu ahaa jirey Hogaamiye Al-shabaab, islamarkaana khilaaf hogaanka Shabaab soo kala dhexgalay uu keenay in isaga uu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland.

“Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu booqday dad lahaysto, oo ku jira Gumeysi, waxayna la mid tahay masuul ka socda Jaamacadda Carabta oo booqday dhulka la haysto ee Qudus isla markaana la kulmay Israa’iil”,ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Ugu dambeyntii Daahir Amiin jeesow ayaa ku taliyay in Axmed Madoobe laga hor wareejiyo shacabka Jubbaland,islamarkaana doorashadda dhawaan halkaas ka dhacayso lagu doorto hogaamiyo shacabka Daacad u ah.