Home Warar Jeesow:-“Hadii La Carqaladeeyo Doorashadda,baarlamaanka Waa Sii Shaqeynayaa”,!

Jeesow:-“Hadii La Carqaladeeyo Doorashadda,baarlamaanka Waa Sii Shaqeynayaa”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay hadii la carqaladeeyo doorashadda dalka ka dhacaysa in Baarlamaanka haatan jira uu sii shaqeyn doono.

Isagoo ka qeyb qaadanayay dooda Bbc-da ayuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in dalka Dowladd la’aan ay ka dhacdo,hadii la isku fahmi waayo doorashadda.

“Haddii ay is hortaag ku sameeyaan eedooda iyagaa qaadaya, doorasho dhici doontaana malaha. Aniga warka horeyna waan u sheegay, haddii ay doorashada is hortaag ku sameeyan Baarlamaankaanaa sii jooggaa, lama ogolo dowlad la’aan. Dalkeenu waa Baarlamaani ee ma nihin dowlad la soo doorto. Baarlamaankaa joogaayo illaa ay ka ogolaadaan, xaqiiq waaye taas.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.