Home Warar Jeesow oo Farmaajo Ku Eedeeyay Hakinta Duulimaadyadii Tooska ahaa!

Jeesow oo Farmaajo Ku Eedeeyay Hakinta Duulimaadyadii Tooska ahaa!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), ku eedeeyay In uu ka dambeeyay in la hakiyo duulimaadyadii tooska ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Jeesow ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala kulmaan marista Magaalada Wajeer oo ay Kenya diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ka baxa ku baarto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Sooomaaliya ay dhaqaalo badan usoo xareyso Kenya,sidaas darteed loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliya ay ka fiirsato xiriirka ay la leedahay Kenya.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu sabab u ahaa in Kenya ay soo celiso dhibaatooyinkii loo geysanayay shacabka Soomaaliyeed madaama uusan heshiisyadii uu la galay Kenya adkeynin.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii ka dambeysay in la hakiyo duulimaadyadii Tooska ahaa ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya ayaa sheegay in arrimo amni darteed ay u joojiyeen duulimaadyadii tooska ahaa.

Waxa uu sheegay in ay Kenya walaac ka qabto amniga garoonka Magaaladda Muqdisho ee aadan cadde oo xiligaan ay ilaaliyaan Ciidamo  Booliska Dowladda Federaalka Soomaali iyo kuwa AMISOM.

Dowladda Soomaaliya oo si kulul ugu hadashay go’aanka Kenya ayaa sheegtay in amniga garoonka Muqdisho uu yahay mid wanaagsan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar  oo qoraal xafiiskiisa kasoo saaray ayaa sheegay in go’aanka Kenya uu yahay mid la siyaasadeeyay.