Home Warar James Swan:-Wali Waxaa La Murugooneynaa Dhibaatadii uu Qaraxii Soobe”!

James Swan:-Wali Waxaa La Murugooneynaa Dhibaatadii uu Qaraxii Soobe”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maanta oo arbaca ah ayey ku beegantahay Munaasabada lagu xasuusanayo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14-ka bishii October sanadkii 2017-kii ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ka hadleen dhibanayaashii iyo dadkii ka badbaaday  qaraxii weynaa ee ka dhacay isgoysksa Zoobe ee moqdisho,  iyagoona xaqijyay gulaha dunida dhammaantooda in ay garab taaganyihiin dadka soomaaliya.

‘’si wada jir ah soomaaliya,  qaramada midoobey waxa ay diirada saaraysaa dhisida mustaqbalka ummada soomaaliyeed iyo horrumarka ku aadan nabada, dowladwanaag  iyo barwaaqo. Horumarada lagu tilaabsaday tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2017-dii waxa ay sawir wanaagsan ka bixineysaa adkeysiga dadka soomaaliyeed iyo damaca ay ka leeyihiin timaado wanaagsan , inkastoo ay jiraan rabshado dhanka xagjirnimada ah .weerarkii dhacay 14-kii bishii October ee sanadkii 2017-dii ayaa ahaan doona mid aan la ilaawi doonin, sikasta ay ahaataba waxa aan dareenka la wadaageenee qoysaskii ku waayay qaraxaas nolashooda, sido kalena kuwii ka badbaaday, sidaasi waxa bartiisa twitter ku soo qoray ergeyga gaarka ah ee soomaliya u qaabilsan QM ee James Swan.

Weerarkii qaraxa ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgoyska zoobe waxaa ku dhintay ku dhawaad 587 ruux oo ah inta la ogyahay kaas oo ahaa qaraxii ugu weynaa oo ka dhaca gudaha soomaaliya iyo sido kale qaarada afrika . qaraxii zoobe ayaa ahaa mid kaliya aan murugo iyo uurkutaalo ku reebin soomaaliya, dunida kale ayaa sido kale u baroordiiqday xiligii uu dhacay qaraxaas.