Home Warar Ismaaciil:-“Xubno NISA aan Aqaano ayaa Ku Jira Guddiyada Doorashooyinka”,!

Ismaaciil:-“Xubno NISA aan Aqaano ayaa Ku Jira Guddiyada Doorashooyinka”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabdsugida Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan, ayaa sheegay in xubno ka tirsan Nisa uu yaqaano ay ku jiraan Guddiyada doorashooyinka dalka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Magaaladda muqdisho ayuu sheegay in guddiyad ay ku jiraan xubno uu yaqaano oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya.

Illaa Shan xubnood ayuu sheegay inuu ka gartay Guddiyada heer Federal iyo heer Maamul Goboled, kuwaasi oo ka tirsan Nabad Suggida, islamarkaana arrintaasi ay tahay wax aanan la aqbali karin.

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabdsugida Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa waxa lala yaabo ku tilmaamay hadalkii shalay Raisulwasaare Ku-xigeenka uu u jeediyay ardeydii la geeyay Tiyaatarka qaranka.