Home Warar Isku Shaandheyn Lagu Sameeyay Taliyayaasha Booliska Dowladda

Isku Shaandheyn Lagu Sameeyay Taliyayaasha Booliska Dowladda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliyaha Ciidamadda booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, isagoo magacaabay Taliyayaal kale.

Taliyayaasha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah Taliyaha qeybta Booliska Waliyow Cadde,Taliyaha Saldhiga Degmada dharkeenley iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Booliska iyo taliyeyaal kale.

Halkaan Hoose ka Akhriso Taliyayaasha la magacaabay

1-Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar (Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha   qeybta Booliska Waliyow Cadde.

2-Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay La-taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagol horey u ahaa Taliyaha qeybta Waliyow Cadde.

3-Taliyaha Birmadka Ciidamada Booliska ayaa loo magacaabay  Yuusuf Xundubey oo hore u ahaa Taliyaha Saldhiga Galbeed ee G/Banaadir.

4-Yaasiin Nuur Kheyre ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degamada Dharkeenley.

5-Gaashaanle Sare Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay Taliyaha Daraawiishta Booliska.

6-Aadan Xersi ayaa loo magacaabay Taliyaha socdaalka Ciidamada Booliska