Home Warar Isbaheysi Mucaarad Ku ah Axmed Madoobe oo Muqdisho Looga Dhawaaqay

Isbaheysi Mucaarad Ku ah Axmed Madoobe oo Muqdisho Looga Dhawaaqay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa maanta loogu dhawaaqay Isbaheysi cusub oo mucaarad ku ah Maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaamin (Axmed Madoobe) ee Jubba-land.

Isbahaysiga cusub ayaa loogu magac-daray Dib u soo Nooleynta Dimuqraadiyadda Jubbaland, waxaana guddoomiye ka ah C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo horey u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadii hore,sidoo kalana ah Musharax madaxweynaha Maamulka Jubba-land.

Ujeedooyinka isbahaysigaan loo aas-aasay ayaa la aaminsan yahay in ay tahay sidii loo burburin lahaa Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe aan aan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gadaal ka riixeyso isbaheysigaan iyadoo mudadda xil heynta Axmed Madoobe ay ku dhammaaneyso aakhirka sanadkaan 2018-ka.

Sidoo kale ku dhawaaqista isbihaysigaan ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii warbaahinta uu ka soo muuqday Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo uu dhinac taagan yahay Cabdikariin Qalbidhagax oo ay hore dowlada federalka u gacan gelisay dowlada Ethiopia.