Home Warar Indha Qarshe:-“60-Xubnood oo Ka Tirsanaa Shabaab ayaa Isa Soo Dhiibay”,

Indha Qarshe:-“60-Xubnood oo Ka Tirsanaa Shabaab ayaa Isa Soo Dhiibay”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isa soo dhibeen lix dameeyo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha dalka Somaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe, oo maanta xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay tiradii ugu badneyn ee Shabaab ka tirsanaa inay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda maalmihii dambe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaaraha gaaray Al-shabaab inay sabab u tahay inay isa soo dhiibaan.

“Waxaan rabaa umadda Somaliyed in aan la qaybsado, khasaaraha Shabaab gaaray waxaa marqaati ka ah Gobol kasta inay iska soo dhiibeen oo maanta marqaati laga yahay in Ciidamda Xoogga Sodomeeyo aan la soo gudbin inay gacanta ku hayaan iyo qaar la qabtay, balse badankooda ay isa soo dhiibeen.” Ayuu yiri Taliye Indha Qarshe.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa sheegay in howlgalada Ciidamadda Dowladda kawadaan Gobolada dalka Guulo laga gaaray.