Home Warar Ilaaladda Madaxweyne Xaaf oo Caawa Gaaray Magaaladda Cadaado!

Ilaaladda Madaxweyne Xaaf oo Caawa Gaaray Magaaladda Cadaado!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Magaaladda Cadaado ayaa ku waramaya in caawa magaaladaas ay gaareen ilaaladda madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo wata 10-gaari oo kuwa dagaalka ah.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Magaaladda, ciidamadda oo si aad u hubeysan ayaa kasoo galay Magaaladdda dhanka Deegaanka Godinlabe oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf.

Ciidamaddda ayaa la wareegay xarunta Madaxtooyadda ee magaaladda Cadaado oo lagu wado in uu dago Madaxweyne xaaf.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf maalinta bari ah uu gaari doono Magaaladda cadaado halkaas oo ay ku sugan yihiin xildhibaano ka Tirsan Labadda aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaah Galmudug ayaa shalay isaga soo tagay magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug,wuxuuna ku dhawaaqay in uu burburay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.