Home Warar ICJ oo Dib u Dhigtay Dhageysiga Dacwada Badda Somaliya iyo Kenya

ICJ oo Dib u Dhigtay Dhageysiga Dacwada Badda Somaliya iyo Kenya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamada caalamiga ee ICJ ayaa dib u dhigtay kiiska dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lagu waday in 9-ka bishan ka furanto xarunta Maxkamada ee dalka Holland.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi ayaa Sheegay in dhagaysiga dacwaddii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay muddo laba bilood ah.

Ambassador Faqi ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aankaas qaadatay kadib markii ay eegtay codsigii ka yimid Soomaaliya iyo jawaabtii Soomaaliya ka bixisay.

ICJ ayaa haatan dacwadda dhagaysan doonta 4-ta bisha Noofembar ee soo socota.

Kenya ayaa dalbatay dhawaan in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca.

Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno iyo xooggan oo difaacda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan.