Home Warar HSM:-“Shaabab Waxa ay Cadow Ku Yihiin Jiritaanka Umaddeena oo Idil”,!

HSM:-“Shaabab Waxa ay Cadow Ku Yihiin Jiritaanka Umaddeena oo Idil”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shikh Maxamuud ayaa si kulul ugu hadlay weerarkii ka dhacay Magaaladda kismaayo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda Xasan Shiikh Maxamuud ayuu kaga hadlay weerarka Magaaladda Kismaayo Ka dhacay.

Xasan Shiikh maxamuud ayaa ku eedeyay Maleeshiyaadka Al-shabaab in mar walba ay diyaar u yihiin leynta shacabka Soomaaliyeed.

“Anigoo aad uga murugaysan dhibaatadii xanuunka badneyd ee xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay argagaxisadu ku laayeen dad Soomaaliyeed oo waxgal u ahaa bulshadeena ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, kuwii ku dhaawacmayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo, In kooxahan argagaxisada ah ay meel weliba oo dalka ka mid ah ku beegsadaan, kuna laayaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujineysaa in ay cadow ku yihiin jiritaanka umaddeena oo idil, dhaawac iyo burburinba ay la daba jooggaan.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka ugu baaqay in ay meel ugu soo wada jeestaan, dagaalka kooxahan nabaddiidka ah.

“Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxahan nabaddiidka ah ee mar weliba ku faana laynta dadkeena waxgalka ah.”