Home Warar HSM:-“Kiiska Badda Waxa uu Taagan Yahay Halkii aan Uga Tagnay”,!

HSM:-“Kiiska Badda Waxa uu Taagan Yahay Halkii aan Uga Tagnay”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo maanta shir Jaraaid ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii shalay ka soo baxay Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ee markii 3aad dib loogu dhigay dhageysiga Dacwadda Badda ee u Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in niyad jab ay tahay in kiiska badda aan horey loo dhaqaajinin,islamarkaana la taagan yahay meeshii Dowladii hore ugu taktay.

Sidoo kale Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in shaki ay ka qabaan in Dowladda haatan jirta ay ogolaatay in dib loo dhigo kiiska badda,islamarkaana dowladda haatan jirta ay shacabka ka qarinayso xaqiiqada jirta.

“Dacwada Baddu waxay taagan tahay meeshii aan uga tagnay ku dhowaad afar sano ka hor waxaana dib loo dhigi karaa oo kaliya marka labada dal heshiis ku yihiin markii koowaad, balse markii labaad iyo saddexaad waxaa la aqbalay codsiga Kenya oo kaliya arintaasi sax maahan haddii ay jirto oo dowladeenu diidaneyd dib u dhigista dacwada cadeymaha hala wadaagto shacabka hadal kaliya looma baahna,dowladu si ay dadka indhahooda uga leexiso mashaakilaadka yar yar ee ka jira gudaha dalka iyo kuwa waaweyn waxay isku dayeysaa in cadow dibeda la abuuro si ay ugu mashquulaan, waxay leeyihiin xuduuda Kenyaan soo xireynaa, maxay tahay xikmada ku jirta in xuduud la soo xiro iyadoo ciidamada Kenya ay ku jiraan gudaha Somalia” ayuu yiri Xasan Shiikh.