Home Warar Howlgal Lagu Dilay Saraakiil Ka Tirsanaa Al-shabaab 

Howlgal Lagu Dilay Saraakiil Ka Tirsanaa Al-shabaab 

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in la dilay Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kadib howlgal gaar ah oo laga Fuliyay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka shabellaha hoose.

Howlgalka oo ahaa Mid qorsheysan ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ciidamada kumaandooska soomaaliya ay ku daba jireen in mudo ah

Saraakiisha lagu dilay degaanka buulo mareer waxaa ka mid ah Zubeyr Almuhaajir,oo ahaa sarkaalkii Tababarada Al-shabaab  iyo  Macalin Cumar .

Zubeyr Almuhaajir, waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa saraakiisha Ajaanibta Maleeshiyaadka Al-shabaab ka bar bar dagaalanta.

Sido kale Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen  Zubeyr Almuhaajir uu ahaa Madaxii Tababarada Maleeshiyaadka Al-shabaab.