Home Warar Hoobiyayaal Lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyayaal Lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Weerar hoobiyayaal loo adeegsaday ayaa duhurnimadii maanta waxaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyayaasha ayaa dadka deegaanka waxa ay ku sheegeen ilaa saddex Hoobiye waxayna ku dhaceen gudaha  madaxtooyada gaar ahaan meel ku dhow Gurigii ay ku shaqayn jirtay Xukuumadii Cumar C/rashiid.

Sidoo kale hoobiye ayaa ku dhacay xaruntii Ex fiyoore oo kaabiga ku heysa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay dhaawacyo kasoo gaareen 5 qof.

Hoobiyaha saddexaad ayaa ku dhacay agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan,waxayna sheegeen in Hoobiyayaasha a gudaha u galeen madaxtooyadda Soomaliya.