Home Warar Hoobiyayaal Ku Dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

Hoobiyayaal Ku Dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Tiro Hoobiyayaal ah ayaa waxa ay maanta ku dhaceen Agagaarka xarunta Villa Soomaaliya.

Dadka ku nool xaafadaha ku dhow madaxtooyada Soomaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex hoobiye ayaa ku dhaceyn guryo ku dhow Madaxtooyada, waxaana la sheegay in intooda badan aysan sameyn qarax marka laga reebo inay burbur u geysteen dhismooyin.

Weerarada hoobiyayaasha ah ee lala beegsado Madaxtooyada Soomaliya waxaa sheegta Al-shabaab, iyadoo inta badan ay waxyeelo u geystaan dadka dagan xaafadaha ku dhow xarunta Madaxtooyadda.

.