Home Warar Hogaanka Ururka Al-shabaab oo Ka Digay Daadinta Dhiiga Muslimiinta!!

Hogaanka Ururka Al-shabaab oo Ka Digay Daadinta Dhiiga Muslimiinta!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdiraxaman oo loo Yaqaan (Mahad Karataay) ayaa ka hadlay dagaalka Shabaab ay kaga soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya, AMISOM, Iyo weerarkii lagu dilay Shiikh C/wali ee ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo  ee Gobolka Mudug.

Kalimadan oo ay baahisay mu’asasada Alkataa’ib lana dhageysan karo muddo 19 ayuu Mahad Warsame Abuu C/Raxmaan kaga hadlayaa arimo dhowr ah oo ku saabsan Shabaab.

Abuu C/raxxmaan ayaa ugu horreyn bogaadinaya weerarkii Shabaab ay ka fuliyeen  magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 50 ruux oo diimo kala duwan haystay iyo weerarkii lagu khaarijiyey sheikh C.wali ee ka dhacay magaaladda Gaalkacyo.

Dhanka kale Abuu C/raxmaan ayaa si adag kaga hadlay xurmada dhiigga qofka Muslimka ah iyo halista in lagu dhiirado daadinta dhiigga Muslimiinta ee Xaaraanta ah, Isagoo Shabaab ku adkeeyey inay aad isaga ilaaliyaan daadinta dhiigga Muslimiinta.

“Qodobka 2aad maadaama Jihaadka iyo loolankan cadowga kula jirno ka aloosanyahay dadkeena Muslimiinta ah dhexdooda waxaa nala ka doonayaa koow inaan ka taxadirno oo ka fogaano daadinta dhiiga qofka Muslimka ah si xaq daro ah, waxaa xaaraan naga ah inaan fudadeysano dhiiga Muslimiinta,waana inaan ogaanaa halista ay leedahay in la daadiyo dhiig Muslim oo Xaaraan ah, ogaada dhiiga Muslimiinta oo si ula kac ah loo daadiyo waa dambi weyn oo dib u dhigaya inaan Cadowga ka guuleysano,waxaan aaminsannahay in dhiiga Muslimka ah iyo Maalkiisuba naga yahay xaaraan marnana aanan u qasdin inaan Xaq daro ku daadino”.” ayuu yiri Mahad Karatey.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa inta badan si macna daro ah u daadiya dhiiga dadka Muslimiinta ah, lamana oga waxa iska badalay xiligaan Hogaanka shabaab.