Home Warar Hir-shabeelle oo Soo Saartay Go’aan Ka Dhan ah Imtixaanka Shahaadiga

Hir-shabeelle oo Soo Saartay Go’aan Ka Dhan ah Imtixaanka Shahaadiga

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in uu si gaar ah u qaadanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib go’aankii xalay kasoo baxay wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlayay qaar kamid ah ardeyda Magaaladda Jowhar ayaa sheegay  in go’aankaas uu qaatay Maamulka.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa amar ku bixiyay in  Muqdisho ku laabtaan guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada soo dirtay.

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay wasaarada Waxbarashada inay go’aan kasoo saarto cidii fashilisay imtixaanka Dowladda.

“Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay, maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.