Home Warar Hay’adaha Amaanka oo Isbadal lagu Sameynayo!!

Hay’adaha Amaanka oo Isbadal lagu Sameynayo!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sida ay sheegayaan Ilo Lagu kalsoonan karo waxaa maalmaha soo socda la filayaa in isbadal lagu sameeyo Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya,kadib markii ay kordheen qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya Magaaladda Muqdisho.

Isbadalka la sameynayo ayaa lagu wadaa in uu sameeyo xubnaha kala ah Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow,Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Bashiir Ameeriko.

Waxaa sidoo kale qorshaha kamid ah in la magacaabo Agaasimaha Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed oo aan la buuxin booskiisa tan iyo markii uu iska casilay Xuseen Maxamed Xuseen agaasimihii hore,waxaana haatan si KMG ahaan ugu Magacaaban Fahad Yaasiin.

Wajiyo cusub ayaa qorshaha uu yahay inay ka soo dhex muuqdaan Laamaha ammaanka dowladda, iyadoo la baadigoobayo xeeldheerayaal ammaanka wax ka garanaya.

Arintaan ayaa imaanaysa xili Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo), uu habeen hore kulan canaan ahaa la qaatay hay’adaha amaanka iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliyayaasha iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka dalbaday in ay shaqada ka taagan hadii aysan isbadal sameyn karin.