Home Warar Haweeney Rabtey Inay Isku Qarxiso Saldhiga Baardheere oo La Toogtay

Haweeney Rabtey Inay Isku Qarxiso Saldhiga Baardheere oo La Toogtay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay degmadaas ku toogteen Haweeney rabtey inay isku qarxiso saldhiga Booliska.

Saraaakiil ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliy ayaa sheegay In haweeneyda ay ka dagatay baabuur Caasi ah oo ka yimid magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,waxayna bambo ku tuurtey ciidanka ilaalada ahaa ee ku sugnaa afafka hore, waxaana halkaasi ku dhaawacmey ilaa 2 askari.

Baaritaanno meydkeeda lagu sameeyey ayaa waxaa laga soo saaray walxaha qarxa iyo Lambar sireedkeeda sida saraakiisha ay sheegeen.