Home Warar Haweeney Kamid Aheyd Ururka Haweenka G/Banaadir oo Muqdisho Lagu Dilay

Haweeney Kamid Aheyd Ururka Haweenka G/Banaadir oo Muqdisho Lagu Dilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dabley hubeyseyd ayaa caawa Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Haweeney kamid aheyd Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Falkaan dilka ahaa ayaa caawa maqribkii ka dhacay Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Haweeneyda xili ay ku sugneyd hoygeeda oo ku yaala Gudaha Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir,waxayna ka baxsadeen goobta.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in Haweeneyda oo lagu magacaabi jirey Maryan Maxamuud Axmed, aysan naf dhulka la dhicin.

Dhanka kale Jawaahir Baarqab, Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir ayaa waxay xaqiijisay dilka loo gaystay Maryan Maxamuud Axmed.

Jawaahir Baarqab ayaa ka tacsiyadeysay geerida naxdinta leh ee ku timid haweeneydaasi, oo xubid ka ahayd Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir.