Home Warar Haweeney iyo 3-Nin oo Dil geysan rabay oo Bakaaraha Lagu Toogtay

Haweeney iyo 3-Nin oo Dil geysan rabay oo Bakaaraha Lagu Toogtay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isgoyska Bakaaraga ee Magaaladda Muqdisho ku toogtay 4ruux oo midi haweeney ay aheyd oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Shabaab.

Sida ay sheegtay Taliye ku-xigeenka Ciidanka booliska Zakiye Xuseen, xubnahaan ayaa doonayay in ay dilaan agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday”,ayay tiri Zakiya.

Dhanka kale goobta lagu soo bandhigay meydadka xubnahaan waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo mas’uuliyiin kale.