Home Warar Haween Ka Shaqeeya Nadaafada Gobolka Banaadir Oo La Sumeeyay+Sawiro

Haween Ka Shaqeeya Nadaafada Gobolka Banaadir Oo La Sumeeyay+Sawiro

SHARE

Qaar kamida Haweenka nadaafada Gobolka Banaadir ayaa maanta ayagoo howla nadaafadeed ka wada Degmada Cabdi Casiis waxaa lagu buufiyay qaac la rumeysan yahay in uu sun yahay.
Dadka ku sugnaa goobta lagu wax yeeleeyay Haweenkaan ayaa sheegaya in gaari aan La heyn Taariko oo Noha ah uu qaac ku sii daayay shaqaalaha kadibna uu goobta si xowli ah uga baxsaday.
Haweenka ay waxyeelada ka soo gaartay falkaan ayaa gaaraya ilaa 9,waxaana la dhigay Isbitaalka Hubaal ee ku yaala Xaafada Nasiib Buundo,waxaana xusid mudan in 9-ka haween ee Isbitaalka la Jiifiyay Laba ka mid ah in loo qaaday Isbitaalka digfeer,

Dhaqaatiirta la tacaaleysa ayaana
sheegay in ay baarayaan sunta waxyeeleysay Haweenkaan,haatana ay qaarkood suuxsan yihiin.