Home Warar Guuleed:-“Waa Riday iyo Waa Riday Xal Ma Keeneyse Galmudug Sida Ha loo...

Guuleed:-“Waa Riday iyo Waa Riday Xal Ma Keeneyse Galmudug Sida Ha loo dhaamo”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa ka digay xaaladda qalalaase ee ka taagan Galmudug.

WAA RIDAY IYO WAA RIDAY XAL MA KEENEYSE GALMUDUG SIDA HA LOO DHAAMO.

Waxaan shaki ku jirin in aan wada ogsoon nahay dhibaatada laga soo maray dhismaha iyo yagleelidda dowlad gobaleedyada guud ahaan, gaar ahaana kan Galmudug oo ka mid ahaa kuwii ugu sii dhibka badnaa dhismahiisa iyo dhidibo u aasidiisa.

Haddaba anigoo ka mid ah dadka ay lexjeclada gaarka ah ka heyso jiritaanka maamulkaas, midnimadiisa iyo horumarkiisa, waxaan u soo jeedinayaa mas,uuliinta labada dhinac ee Galmudug inay tanaasul muujiyaan una turaan maamulka iyo bulshada u heyb sheegata, isuguna yimaadan wadahal ayagoo garwaaqsanaya in waariday iyo waariday aysan cidna xal u keenaynin, maamulka oo ku burbura ma ahee.

Sidoo kale dowladda dhexe iyo waxgaradka reer Galmudugna waxaan u soo jeedin lahaa in maamulka la badbaadiyo xaaladda khatarteeda la dareemo, meelna la isugu keeno mas,uuliinta labada dhinac ayadoo saldhig looga dhigayo heshiiskii Djibouti oo qodabadiisi la isla fahmo, si sax ahna loo wada fuliyo iyo xeerarka iyo sharciyada u yaala Galmudug iyo dalkaba.