Home Warar Gudoomiyihii Xilka Laga Qaaday ee Puntland oo Isaga Baxay Garoowe

Gudoomiyihii Xilka Laga Qaaday ee Puntland oo Isaga Baxay Garoowe

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland ee xilka laga qaaday Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa isaga baxay Magaaladda garoowe ee caasimadda Puntland.

Gudoomiyaha ayaa ciidan uu horkacayay oo wata gaadiidka dagaalka waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag,dhanka Puntland.

Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa khamiistii xilka ka qaaday  Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Gudoomiyaha ayaana ka horyimid tallaabada ay xilka uga qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana uu xil ka qaadistiisa ku sheegay mid aan dastuuri ahayn.