Home Warar Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo Xilka Laga Qaaday!

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo Xilka Laga Qaaday!

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa goordhaweyd xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland C/xakiin (Dhoobo Daareed).

44-Xildhibaan ayaa Mooshin xil ka qaadis ah ka keenay Gudoomiyaha oo lagu eedeeyay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka, Maleeshiyaad hubeysan uu u gacan galiyay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland ee magaladda Garoowe.jabinta qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada,in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyntii Baarlmaanka Puntland ayaa xilkii ka xayuubiyey Gudoomiyahii Barlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-dareed 49 mudane ayaa u codeeyey xil ka qaadista Gudoomiyaha barlamaanka,afarna waa ka aamustay.

Kulanka Xilka loogu qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis .