Home Warar Gudoomiye Siidii iyo Saraakiisha Danab oo Lagu Qarxiyay Walanweyn

Gudoomiye Siidii iyo Saraakiisha Danab oo Lagu Qarxiyay Walanweyn

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Siidii iyo saraakiil Ciidaan lagula eegtay deegaan hoos taga degmadda Wanllaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Tixsiile oo hoos yimaadda Degmadda Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax Miino oo lala eegtay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa oo dhulka ku aasnaa lala eegtay gaariga Gudoomiyaha, iyo saraakiisha Danab ee Mareykanka uu tababaradda uu siiyay islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay.

“Shabaab ayaa deegaanka Tixsiile qarax kula beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamadda Mareykanku tababaray, xogta hordhaca ah waxay xaqiijinaysaa dhimashada 4 Askari halka uu dhaawacyo garaab ah soo gaareen  saraakiil uu kamid yahay taliyaha Danab oo lagu magacaabo Beer Yare” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiisha dhaawacmay uu kamid yahay taliyaha guutada 6aad ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

QaraxAan ayaa yimid xilli ciidamada Mareykanka ayaa dhaq dhaqaaq melleteri oo dib ugurasho ah ka wadaan garoonka Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.