Home Warar Faah-faahin:-Gudoomiye Qarax Lagula Eegtay Caawa Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Gudoomiye Qarax Lagula Eegtay Caawa Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax ayaa Goordhow oo caawa ah ka dhacay Dugsiga 21 October Degmada Waaberi ee magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada la dhigo Wadda dhinaceeda,taasi oo inta badan lala eegto Gawaarida Shaqsiyaadka Dowladda u shaqeeya.

Laamaha amaanka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiyaha Degmada Hodon Cabdixakiin dhagajuun.

Laba mid ah Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Hodon Cabdixakiin dhagajuun ayaa ku Geeriyooday

Dhaawac Gudoomiyaha Degmada Hodan ayaa loo Qaaday mid kamid ah Isbitaalada magaalada muqdisho.