Home Warar Gudoomiye Mursal, & Xildhibaanno Go’aan Kasoo Saaray Doorashada KGS

Gudoomiye Mursal, & Xildhibaanno Go’aan Kasoo Saaray Doorashada KGS

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Magaaladda Muqdisho waxaa galabta ka dhacay kulan ay ka qeyb galeen Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Deeganadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyihii hore Prof Mohamed Sheekh Cismaan,(Jawaari) iyo Sheikh Aadan Madobe oo horey u soo noqday Guddoomyaha Baarlamaan-ka

Intii kulanka socday ayaa waxaa diiraddda lagu saaray xaaladda doorashada Koonfur Galbeed iyo caqabadaha hor yaalla waxaana laga soo saaray saddex qodob oo kala ah:

  1. In ay kadhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah
  2. Ineysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebaayo Doorashada
  3. Ciidanka Xamar laga qaaday in ay tahay khalad.