Home Warar Gudoomiye Mursal oo Go’aan Kasoo Saaray Kala Daristii Guddiga Maaliyadda

Gudoomiye Mursal oo Go’aan Kasoo Saaray Kala Daristii Guddiga Maaliyadda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa sharcidaro ku tilmaamay kala dirisitii Guddigii Maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya.

kadib qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa ayuu ku armay Guddiga  in uu shaqadiisa qabsado,sida ugu dhaqsiyaha badana Golaha ugu soo gudbiyaan Warbixintii uu is hortaaga ku sameeyay Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad.

Arrintaan ayaa si toos ah uga soo horjeedda go’aankii uu Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha, Cabdiwali Muuddey, ku kala diray Guddigaas 28–kii bishii hore.