Home Warar Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo MW Saciid Deni oo Kulan Yeeshay

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo MW Saciid Deni oo Kulan Yeeshay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxeeynaha Doowlad Goboleedka Puntland Said Abdullahi Dani oo Booqasho rasmi ah ku yimid Golaha Aqalka Sare Ee BFS.

Madaxeeyne Saciid Cabdullahi Dani ayaa kulan la qaatay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare asagoo warbixin ka jeedinaayo Golaha.

Madaxweyne Deni ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Shariif Xassan Sheekh Aaden, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka.

Dhanka kale waxaa xalay baaqday kulan ay yeelan lahaa madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbanad, kaas oo horey u shaacisay Villa Somalia.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya baaqashada kulankaas, wararka qaar ayaa sheegaya in kulanku uu u baaqday shuruudo ka yimid iyo Puntland iyo Jubbaland, halka warar kalana tilmaamayaan inuu u qabsoomi waayay maqnaashaha madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa mudooyinkii dambe xiriir fiican aan la laheyn Madaxtooyadda Soomaliya,wuxuuna dhawaan war-saxaafadeed uu soo saaray uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu jabiyay Dastuurka Dalka,islamarkaana golaha aqalka Sare uu kasoo qaaaday kuwa aan mataaladda laheyn.