Home Warar Gudoomiyaha Baarlamaanka oo La Kulmay Madaxa Howlgalka AMISOM+Sawirro

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo La Kulmay Madaxa Howlgalka AMISOM+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay Madaxa Ciidamada AMISOM ahna Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Kulanka Labadda Mas’uul ayaa loogu hadlay xoojinta amniga xarunta Golaha shacabka oo ay sugaan Ciidamadda Midowga Afrika Amisom.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kulanka ku wehlinayay Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xubno kale.