Home Warar Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Loo Gudbiyay Mooshin Cusub

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Loo Gudbiyay Mooshin Cusub

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta Koowaad ee dib u eegista heshiisyadii ay horey u galeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga iyo Ajendayaal kale.

Xildhibaanadda Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay loo direy fariimo ku aadan in kulanka maanta ay soo xaadiraan.

Dhanka kale Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoonka Golaha shacabka ay u gudbiyeen Mooshin ah in tiradda Baarlamaanka Federaalka lagu daro 30 Xildhibaan oo dheeraad ah oo la gaarsiiyo 305 Xildhibaan.