Home Warar Guddoomiyaha Aqalka sare oo La Kulmay Danjire Francisco Madeira+Sawirro

Guddoomiyaha Aqalka sare oo La Kulmay Danjire Francisco Madeira+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Middowga Afrika ee Soomaaliya ahna  Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ,ayagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Aqalka Sare iyo Middowga Africa.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku ammaanay Wakiilka Midowga Africa booqashada uu ugu yimid xarunta Golaha Aqalka sare iyo siday ugu heelan yihiin taageerada Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa kormeeray dhammaan waaxaha xarunta Aqalka sare ay ka kooban tahay,isagoona bogaadiyay howsha adag ee Xildhibaanada Aqalka sare u hayaan Ummada Soomaaliya.