Home Warar Guddiga Doorashada oo La kulmay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Sharciga

Guddiga Doorashada oo La kulmay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Sharciga

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Kulan oo ahaa mid wadatshi iyo is xogwareysi ah ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystiraya sharciga doorashooyinka mudane Ibraahim Isaaq Yarow waxaana looga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horyaalla guddiga.

Dhawaan ayay ahayd markii guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ay magacaabeen Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka u ah sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu bishii hore saxiixay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.