Home Warar Goodax Barre:-“Dhagaxa Amnigeena iyo Nolosheena ayuu badbaadinayaa”,!

Goodax Barre:-“Dhagaxa Amnigeena iyo Nolosheena ayuu badbaadinayaa”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa difaacay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhagxaanta lagu jaray wadooyinka Magaaladda muqdisho.

Goodax ayaa sheegay shacabka Muqdisho laga doonaayo meelaha ay ka jilacsan yihiin dhagxaanta inay sii adkeeyaan oo dhagxaan kale ay ku daraan si amniga uu u hagaago.

“Dhagaxa Xooggaa meesha uu ka dabco kuwa kale dhiga si fiican si dariiqa uu u saxmo dhagaxaan nimankaan mucaaradka afka idiin galiyeen ma xumo amnigeena iyo Nolosheena ayuu badbaadinayaa.”ayuu yiri Wasiir Goodax oo difaacayay go’aanka Dowladda.

Hadalka Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa imaanaya xili inta badan wadooyinka Muqdisho dhagaxaan lagu jaray kadib markii ay kordheen qaraxyadda ka dhaca Magaaladda.

Shacabka Magaaladda Muqdisho ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulma xirnaanshaha wadooyinka Magaaladda,waxayna dowladda sheegtay in amniga lagu sugayo.