Home Warar Goodax;-“Ardey Ma Aheyn Kuwii Banaanbaxa Dhigayay”!

Goodax;-“Ardey Ma Aheyn Kuwii Banaanbaxa Dhigayay”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa si kulul ugu hadlay banaanbaxii maanta Muqdisho ay ka dhigeen Ardeyda Dugsiyadda Sare kuwaasi oo dhawaan u fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga Dowladda balse laga joojiyay kadib markii ay qish haleen.

Wasiirka ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la hadlo qaar ka mid ah Ardaydii Banaanbaxa waday,laakiin ay kala hor yimaadeen dhagaxaan iyo dagaal, islamarkaana ay suurtoobi weysay in ay la hadlaan.

Sidoo kale wasiir Goodax ayaa sheegay in ay jiraan dad aan aheyn Arday oo wadda rabshado lagu carqaladeynaayo Imtixaanka guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loo dhigay habeenkii xalay ahaa.

“Waxaan isku dayey inaan ardeyda la hadlo,Waxaan arkay Arday Uma Ekeyn dad Dhagax Tuuraya oo aan Caadi ahayn baan la Kulannay,Aniga Waxaan aamisanahay waa nalookaga badnaa haddaan nahay Bahda Waxbarashada wixii dariiqa taagnaa”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili maanta Muqdisho uu ka dhacay banaanbax loogu soo horjeeday wasiirka oo xalay joojiyay imtixaanka Dowladda,kadib markii uu sheegay in qish ay ardeyda haleen.