Home Warar Wakiilada Somaliland oo Ansixiyay Golaha Wasiirada

Wakiilada Somaliland oo Ansixiyay Golaha Wasiirada

SHARE

Hargeysa(Gundhig)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka ansixiyay qeybtii koowaad ee golaha wasiirada Somaliland.

Fadhiga golaha wakiilada oo ay saaka ka soo xaadireen 61 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah  loogu codeeyay wasiirada taas oo wasiir walba markiisa gacanta loogu taagayay inta ogol iyo inta diidanba.

Golaha wasiirada Somaliland ee saaka la ansixiyay ayaa ka koobnaa toban Wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen.

Waxaanay kala ahaayeen wasiirada iyo wasiir ku-xigeenada saaka la ansixiyay sidan:-

Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed

Wasiirka Boostada & Isgaadhsinta Dr. Cabdiwali Sheikh Cabdillahi Jibril

Wasiirka Howlaha Guud Cabdirashid Xaaji Ducaale

Wasiirka Arimaha Bulshada Hinda Jaamac

Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheikh Khalil Axmed

Wasiirka Biyaha Saleeban Yusuf Cali Koore

Wasiirka horu marinta  Caafimadka Dr. Xasan Ismacil Yusuf Warsame

Wasiirka Xanaanada Xoolaha & Kaluumeysiga Xasan Gaafadhi

Wasiirka Horumarinta Maaliyada Yusuf Maxamed Cabdi Raage

Wasiirka Waxbarashada Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir “Faratoon”

Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta  Maxamed Muuse Abees

Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Yurub Abiib