Home Warar Golaha Shacabka oo Kalsoonidii Kala Noqday RW Kheyre!

Golaha Shacabka oo Kalsoonidii Kala Noqday RW Kheyre!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan ku lahaa xarunta Villa Hargeysa ayaa foodo kusoo dhamaatay kadib markii xildhibaano katirsan golaha shaaciyeen in mooshin ka gudbiyeen Ra’isul wasaare kheyre kana qaadeen xilka.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir Gudoominayay ayaa sheegay in Xildhibaanada golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xildhibaanada mooshinkan deg dega ah soo abaabulay ayaa shaaciyay in kalsoonida kala noqdeen Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib qaab gacan taag ah oo ay u codeeyeen.

Dhanka kale Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Go’aanka Guddoonka la afduubtay,islmarkaana go’aanka uu shaaciyay Gudoomiyaha uusan waxba ka jirin.