Home Warar Golaha Shacabka oo Dood Adag Ka Yeelanaya Arrimaha Doorashada dalka

Golaha Shacabka oo Dood Adag Ka Yeelanaya Arrimaha Doorashada dalka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeelanayaa Xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajedanaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadkaan 2020/2021, isla markaana Guddiga Doorashada uu hordhigay Baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan weyn, loogana baahan inay kasoo qeyb galaan si loo dardar-geliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanakaan ayaa daba socda shirkii lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Dhuusa-mareeb, oo looga hadlay arrimaha Doorashooyinka.