Home Warar Golaha Iskaashiga Maamulada oo Ka Horyimid Go’aankii Maxkamadda Sare

Golaha Iskaashiga Maamulada oo Ka Horyimid Go’aankii Maxkamadda Sare

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray kuraasta Xildhibaanada ee ka banaan baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan.

Golaha ayaa walaac ka muujiyay kana soo horjeestay go’aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta Xildhibaanada ee banaan.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in muddo Goluhu cadaadis uga imaanayay beelaha kuraasta leh, isla markaana ay haatan soo baxday go’aan Maxkamadda sare ay soo saartay oo dib loogu sii dhigayo xilligii loo qorsheeyay in doorashooyinka kuraasta banaan lagu qabto.