Home Warar Golaha Amaanka oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Soomaaliya

Golaha Amaanka oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta fadhi ka yeelanaya xaaladda Siyaasadda Soomaaliya.

Kulankaan oo Magaaladda Newyork ee dalka Mareykanka ka dhacaya ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayo arrimaha Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashadda iyo Muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo dhamaaday.

Boqortooyada Ingiriiska oo kamid ah 5-ta Dowladood ee Joogtada ah ayaa codsatay fadhigan uu maanta yeelanayo Golaha Ammaanka.

Warbaahinta Caalamka oo si weyn kulankaan kaga faalootay  ayaa daabacday in fadhigaan lagu dejinayo qorshe siyaasadeed lagu caddeynayo jiheynta xaaladda Soomaaliya si looga fogaado qalalaase & muranka oo kasii dheera meesha uu haatan joogo.

“Qaramada Midoobay waxa ay weli u aragtaa in ay kulmi karaan hoggaamiyaasha Soomaalida oo ay u heelan yihiin dhowrista nidaamka, waxa ay si adag uga wada shaqeeyeen dhisidda hay’adaha dastuuriga ah “Wadahadalka dhammaan dhinacyada arrintaan khuseyso waa lama huraan waana in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan halka loo socdo iyo dhabbaha loo marayo, London ayaa qorsheysay kalfadhi looga doodayo amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya oo ku taariikheysan 22-ka Febaraayo kahor inta aan la cusbooneysiin Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku beegan 28-ka Febaraayoo 2021” ayuu sii raaciyay Dujarric. ” Sidaasi waxaa yiri Stephane Dujarric oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Xubnaha Mucaaradka ay sheegeen in muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo uu dhamaaday,islamarkaana qaab inqilaab ah uu ku joogo Madaxtooyadda Soomaaliya.