Home Warar Generaal Ka Tirsanaa Ciidanka Xoogga oo Caawa Muqdisho Lagu Dilay

Generaal Ka Tirsanaa Ciidanka Xoogga oo Caawa Muqdisho Lagu Dilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dilka Generaal ka tirsanaa Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo caawa loogu geystay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda soomaaliya.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Warshadda Caanaha ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Generaalka la dilay ayaa lagu magacabi jirey Jeneraal Yuusuf Cali Qasaaye oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,waxaana lagu dilay hoygiisa oo ku yaala Degmadda Hodan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu dilka u dhacay shaqsiyaadka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in dilka  uu gaystay Sarkaal kale oo Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, halka warar kalena ay sheegayan in dilka uu gaystay nin qurbajoogaha ka soo laabtay.

Ninkan dilka gaystay ayaa waxaa albaabka guriga ka furtay gabar shaqaale ahayd, taasoo dilka ka dib la sheegay in ay goobtaasi ka carartay.