Home Warar Gaas:-“Qorshihii Lagu Riday Xukuumadda Kheyre Waa Lasoo Abaabulay”,!

Gaas:-“Qorshihii Lagu Riday Xukuumadda Kheyre Waa Lasoo Abaabulay”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Cabdi Maxamed Cali (Gaas), ayaa si kulul ugu hadlay xil ka qaadistii Raisulwasaarihii Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

C/wali Gaas oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee Voa-da ayaa sheegay in wixii ka dhacay Baarlamaanka Sabtidii la soo dhaafay uu ahaa wax aan sharciga waafaqsaneyn.

Sidoo kale C/wali Gaas ayaa sheegay in aan fursad uu isku difaaco la siinin Raisulwasaarihii Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

“Waxaa moodaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg inay aheyd wax sax ah ma aheyn nidaamka dowladnimada ku haboon aniga ilama ahan baarlamaanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay Ra’iisul Wasaaraha ay u dhintan ma jiraan”ayuu yiri C/weli Gaas.