Home Warar Gaas oo Si Adag Uga Hadlay Duulaanka Somali-land+Dhageyso

Gaas oo Si Adag Uga Hadlay Duulaanka Somali-land+Dhageyso

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada maamulka ee Magaaladda Garoowe, ayaa si adag uga hadlay duulaanka maamulka Somali-land kusoo qaaday degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa ugu horrayn Somaliland ku eedeeyay in ay carqaladeynayso safarka Madaxweyne Farmaajo iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,islamarkaana ay garabsiinayso Al-shabaab iyo Daacish.

Wuxuu sheegay in Puntland ay “culayska saartay horumarka dalka iyo dib u dhiskiisa” oo aanay raadinayn daadinta dhiig  Soomaaliyeed,balse haddii la soo weeraro ay ku filantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda,wuxuuna Somaliland ugu hanjabay in ay cawaaqib xun kala kulmi doonto dagaalka ay ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,jawaabteedna ay heli doonto.

Shacabka reer Puntland ee dal iyo debad ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidamada difaaca Puntland si loo xaqiijiyo midnimada iyo wadajirka Puntland

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa todobaadkaan bilowgiisa dagaal kula wareegay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana Puntland ay ku dhawaaqday wixii xiligaas ka dambeeyay dagaal ka dhan ah Somaliland.