Home Warar Fiqi”Siyaasadda magafenimada waxey ku soo korodhay siyaasadda dalkeena”

Fiqi”Siyaasadda magafenimada waxey ku soo korodhay siyaasadda dalkeena”

SHARE

Gundhig-“Qaabka loo maamulayo dawladnaimadii dalka waxey u eg tahay ciyaal banooni loo dhiibay, oo garsoore la’aan cayaaraya.
Siyaasadda magafenimada waxey ku soo korodhay siyaasadda dalkeena, waxeyna maraysaa inta loo yeero agaasimayaashii qaarkood, odoyaashii dhaqanka qaarkood, danjirayaashii qaarkood, gamacsatada qaarkood iyo wasiiradii loogu hanjabo is-furta oo haddii aydnaaan keenin xildhibaankiina difaacaya badbaadinta barlamaanka waxa aad weynaysaan xilka aad heysaan ama qof qraabadiin ahi uu hayo.
Maxay uga duwan tahay magafeha Libya ee inta dadka tahriibiya xirto ka dibna ciqaabo, isla markaana ka dalbada madaxfurasho lacageed.
Soomaalidu waa dad qab leh welina damiirkoodu waa nool yahay, dad badan ayaan siyaasadda noocaas ee gumeysiga u eg ku qancin kuna gacansayray, kuwa u hogaansamayna ayagoo qanacsan kuma shaqeynayaan, waxaana ku baaqi lahaa in habdhaqankaas gurracan la joojiyo oo dawladnimadeena iyo sharafkeeda wax loo hanbeeyo.”

Ahmed Fiqi